Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo muddo xileedkiisa ay ka dhimmantahay wax ka yar hal sano, waxaana uu weli xaabada ku sii gurayaa xasarado xoogan oo dalka gudihiisa ah, iskuguna jira kuwo siyaasadeed iyo kuwa qabiil oo badankoodu in ay unkamaan uu ka arrimiyey.
Inkasta oo ay maalinba heer joogtay hurinta colaadaha siyaasadda lagu falgay, kana soo fushay Villa Soomaaliya haddana maanta waxay joogtaa heer qaacu isku muuqdo, deegaanno badanna la geeyo qori dableh, si dawladdu madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uga faa’idaysato duruufaha bulshada iyo kala qaybinta dhaxdooda ah, taasoo ubucda ugu weyn ee looga golleeyahay ay tahay arrinka doorasho ee soo aaddan iyo door ku yeelashadeeda dad xulashada baarlaanka ee imaanshaheeda la filayo.
Maanta dhacdo dhiig daadasho keentay ayaa ka dhacday degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, dhibkaasi oo dhidibadiisa colaadeed ay yaalliin Muqdisho, ahna aragti ay qori ku riixayso dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xukuumadda uu garwadeenka ka yahay madaxweynuhu.
Inkastoo dadka deegaannada Puntland lagu tilmaamo kuwo nabadeed oo aan u degdegin xagga colaadda, haddana madaxda dawladdu federaalku waxay deeqihii adduunka iyo canshuurihii dadka Soomaaliyeed laga aruuriyey u adeegsanaysaa iska horkeen bulsho iyo hurin colaado dhiig ku daato, halkii dawlad-dhis, hormar iyo ammaan lagu abuuri lahaa.
Horay madaxda dawladda federaalku sidaan kale ayaa xiisado colaadeed iyo iska horkeen bulsho uga abuureen Jubbaland, iyadoo meelaha qaarna dhiig badan ku daatay. Shalay uu u danbaysayna dawladda federaalku waxay magacaabeen madax sirdoon oo ka hawlgalaya dhammaan gobollada Jubaland, maanta goroomada diyaaraha qaarkood ayaa la saaray xayiraad duullimaad, taasoo xadgudub ku ah dawladnimada.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waa markiisii labaad oo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xilli doorashadiisii tan ka horraysay sidaan oo kale u curtay colaado baahsan, isku dhacyo qabiil iyo kuwo maamul, waxaana ka mid ahaa dagaalkii magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug kaasoo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo xukuumaddiisii xilligaas loo diiwaangaliyey door weyn in ay ku lahaayeen.
Daljir Media


COMMENTS