Xiisadda Itoobiya iyo Aratariya: Waa Maxay Qorshaha Sannado Socday ee Sacuudiga iyo Is^raa’iil ay ka Leeyihiin Geeska Afrika, Siiba Itoobiya iyo Aratariya?
Soomaaliya se xaggee ka soo gashaa qorshaha Sucuudiga iyo kan Imaaraadka?
Bishaan gudaheeda, wafdi Sacuudi ah oo uu hoggaaminayo Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Waleed Cabdikariim Al-Khereeji, ayaa booqasho ku tagay waddamada Arateriya, Itoobiya, Kenya, Koonfurta Sudan iyo Chad. Waxaa kale oo uu Kuxigeenku la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sudan (Kulankii Carabta ee Qaahira). Safarka Wafdiga Sacuudiga ayaa ah mid leh ama xambaarsan hadaf ku wajahan waddamadaas iyo farriin ku socota madaxda waddamadaas, ahna sida hoose:
1. Ujeedka wafdiga: Wax badan lagama oga ujeedka wafdiga Sacuudiga, waxaa se la sheegayaa inuu yahay arrimmo la xidhiidha Badda Cas, Geeska Afrika, colaadda Itoobiya iyo Eritrea, xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya, iyo waliba maalgashiga Sacuudiga ee waddamadaas
2. Farriinta Sacuudiga: Wax badan lagama oga farriinta wafdiga Sacuudiga ee madaxda waddamadaas, waxaa se loo badinayaa inay xidhiidh la leedahay isbadalka ku soo fooleh Bariga Dhexe iyo qorshaha cusub ee Mareykanka iyo Israa’iil
Farriimaha wafdiga Sucuudiga ayaa loo badinayaa inay salka ku hayaan arrimaha Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ka karkaraya, kuna salaysan danaha Maraykanka iyo Israa’iil ee Gobolka. Lama oga inay Imaaraadka Carabtu adeegsanayo Sacuudiga iyo Sacuudigu uu dareemay in looga dheereeyey danaha Maraykanka ee Geeska Afrika iyo Guud ahaan waqooyiga Afrika, oo u hadda tartan horleh la galayo Imaaraadka. Labadaa arrimood miday noqotaba, waxaa muuqata halka uu marayo Xaaladaha waddamada gobolka iyo waddamada Carabta, siiba Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo hadda u eg kuwo si toos ah ugu hardamaya Geeska Afrika.
Dhawaan Sacuudigu ayaa kula heshiiyay Eritrea inuu maalgashi ku samaynayo Dekadda Cassab oo ah bartilmaamaeedka duullaanka Itoobiya ee ku wajahan Aratariya. Qoraallo ay baraha bulshada soo dhigeen siyaasiyiin ka agdhow Abiye Axmad ayaa waxay ku sheegeen inuusan Sacuudigu Maalgashi ku samayn karin Cassab maadaama ay Cassab tahay dhul Itoobiya, hadduu doonayana waa inuu u soo maro Addis Ababa. Hadalada iyo qoraalada madaxda iyo taageerayaasha Itoobiya ee Abiye ayaa ah kuwo ku salaysan kulamada uu Abiye la yeesho raggaas ee ka dhaca Arat Killo (Kilometer 4) ee Madaxtooyada Itoobiya iyo waliba farriimaha uu Abiye Axmad u gudbinayo waddamada ay khusayso.
Aqoonyahan aan arrimahaan Geeska Afrika ka soo kordhay oo aan wax ka waydiinay ayaa yidhi, “Suurtagal ma ah inay madaxda Itoobiya ama taageerayaasha Abiye ku hadlaan ama soo dhigaan baraha bulshada hadallo noocaas ah, ayaga oo aan fasax ka haysanin Abiy naftiisa iyo wasaaraddaha ay khusayso ee Dowladda Dhexe.”
Loolanka loogu jiro soodhaweynta danaha Maraykanka iyo Israa’iil kuma eka Waddamada Khaliijka iyo Arat Killo oo hadda waxaa ku soo biiray Hargeysa oo warbaahinta ka sheegtay inay diyaar u yihiin qorshaha Israa’iil oo ay aqbalayaan dadka reer Falastiin ee laga soo barakicinayo Gaza. Hadalkaas ayaa fajac, aragagax iyo amakaag ku noqday Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Somaliland, waddamada Afrika, Muslimiinta iyo waliba bulshada caalamka, ayadoo loo arkay in Itoobiya iyo maamulka Hargeysa ay isku si u arkaan shacabka reer Falastiin ee dhulkooda laga barakicinayo.
Hore waxaa u jiray qorshe ay wateen Sacuudiga iyo Israa’iil tobon sano kahor, lixidii sano ee la soo dhaafayna Imaaraadku wakiil uga ahaa oo ahaa in Soomaaliya la hoosgeeyo Itoobiya, oo markaas Itoobiya noqoto dawladda lagala heshiinayo kheyraadka Soomaaliya. Qorshahaas oo hore si toos ah Sucuudigu u faafiyey shir Mareykanka ka dhacay dhawaan kala soco Daljir.
Dawladda Soomaaliya, tan hadda, kuwii ka horreeyey, iyo waliba kuwa soo socda ayaan u muuqan kuwo meeleeya danta Soomaaliya, laakiin u kala tartama fulinta danaha shisheeye oo hadda Turkigu ku soo biiray, uuna socda qorshe Turkiga oo kheyraadka badda Soomaaliya si toos ah loo hoosgeynayo Itoobiya.
> Daljir Media
COMMENTS