Xiisado u dhexeeya maamulka gobolada dhexe iyo Galmudug oo ka taagan gobolka Galgaduud.

(July 08 2016)-Xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamada maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Cadaado iyo kuwa maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka aloosan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud. 

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Mareer-guur, ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo dadka deegaanka cabsigelisey. 

Dadka deegaanka ayaa ka cabsiqaba inay isku dhacaan ciidamada maamulka gobolada dhexe ee Ahlu iyo ciidamada maamulka Galmudug, inkastoo Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ay arintaasi ka gaabsadeen in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com