Madaxweyaha KMG ah ee maamulka Hirshabeelle ahna Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta ka qeyb galay Aas loo sameeyay Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Aadan Macalin Cali oo kamid ahaa Xildhibaanada Hirshabeelle.
Marxuumka ayaa geeriyooday xalay fiidkii ka dib markuu wadnaha istaagay, Waxaana Ka qeybgalay Aaska Xildhibaanka Madaxweynaha Kmg ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.
Dhamaan dadkii goobta isugu yimid Waxay allaah uga baryeen Inuu naxariistiisa janno siiyo marxuumka oo ahaa shaqsi jecel hormarka Bulshada.
COMMENTS