XILDHIBAAN ABIIB OO U JAWAABAY WASIIRKA MAALIYADDA, HADALKIISANA KU SHEEGAY “BEEN-ABUUR”

XILDHIBAAN ABIIB OO U JAWAABAY WASIIRKA MAALIYADDA, HADALKIISANA KU SHEEGAY “BEEN-ABUUR”

Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib oo shalay warbixin dheer oo uu ka qoray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya sheegay in Wasiirku uusan lahayn waxbarashada uu sheegto, haysanna shahaada u qoran, jaamacadaha qaar uu sheegtayna uusanba ka qalinjabin, ayaa maanta waxaa u soo jawaabay Wasiir Maaliyadda Md. Biixi Cigeh. Wasiirku ma soo bandhigin aqoontiisa iyo shahaadoonkiisa, waxa uu se weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Abiib.

Warsaxaafadeed hadda soo dhacay oo jawaab u ah hadalkii maanta uu Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ka jeediyey Shirka Warbixinta Maamulka Maaliyadda Soomaaliya 2023 ee ka dhacay Hoteelka Decale ee ku dhexyaal Gegida Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa Xildhibaan Abdillahi Hashi Abiib ku tilmaamay mid been-abuur ah. Xidlhibaanka ayaa jawaabtiisa ku yiri, “waxa muhiim ah inaan wax ka sheego warbixin been abuur ah ee uu ka hor sheegay hortiisa Mudane Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, martida caalamiga ah, saraakiisha Soomaaliyeed, iyo bulshada ganacsiga.”

Xildhibaanka oo jawaabtiisa sii wata ayaa yiri, “Wasiirku si been ah ayuu u soo bandhigay waxyaabaha ku jira emailka aan ka helay Mudane Padraig Power, Madaxa Maaliyadda ee Ururka Global Partnership for Education (GPE), taariikhdu aheed Juun 1, 2024. Emailkani wuxuu ahaa jawaabta warqaddayda rasmiga ah ee aan u diray GPE iyo Save the Children, oo aan ku soo bandhigay arrimo dhowr ah oo muhiim ah:
1. Faragelinta Arrimaha Waxbarashada ee Dowladaha Xubnaha Federaalka: Wasiirka Waxbarashada, Hidaha, iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faragelin ku haya arrimaha gudaha ee nidaamka waxbarashada ee Dowladaha Xubnaha Federaalka, taas oo ka hor imaaneysa Qodobbada Qabyo-qoraalka Dastuurka ee 52 iyo 54. Lacagaha loo qoondeeyay Somaliland waa in loo wareejiyaa qaybta SSC Wasaaradda Waxbarashada ee SSC. Intaa waxaa dheer, magaca Somaliland ee ku qoran bogga internetka waa in la tirtiro.

2. Isku Dhaca Danaha: Milkiilnimada Wasiirka Waxbarashada ee iskuullada hoose iyo sare iyo jaamacadaha Muqdisho waxay la macno tahay isku dhac danaha. Waxaan ku booriyay GPE inay ka codsadaan Wasiirka Waxbarashada inuu ka fogaado go’aan ka gaarista mashruucan.

3. Musuqmaasuqa Qandaraasyada: Waxaa jira musuqmaasuq baahsan oo ku saabsan habka qandaraasyada ee mashruuca. Waxaan soo jeediyay in hababkaas ay maamulaan Dowladaha Xubnaha Federaalka halkii Wasiirka Waxbarashada ee Dowladda Federaalka.

4. Tallaabooyinka Ka-hortagga Musuqmaasuqa: Waxaan ku adkeeyay baahida loo qabo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhisidda nidaam kormeer oo loo xilsaaray GPE iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiirka Maaliyadda ayaa si dadban ugu jawaabayey warbixin uu Xildhibaan Abiib shalay soo saaray oo tibaaxeysa in rag uu kamid yahay Wasiir Biixi Egeh ay ka beensheegaan waxbarashadooda, aysanna lahayn aqoonta ay sheegteen, oo xataa Wasiirku uusan baran waxa uu sheegtay, haysanna shahaadada uu la shir yimid.

Wasiirka Maaliyadda kama uusan jawaabin in uu ka baxay jaamacadaha uu sheegtay, mana keenin shahaadooyinka uu sheegtay, waxa uu se weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Abiib.

Xildhibaan Abiib oo ka jawaabaya weerarka Wasiirka ayaa yiri, “Nasiibdarro, Wasiirka Maaliyadda, oo aan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha waxbarashada, wuxuu doortay inuu si khaldan u soo bandhigo emailkani shacabka hortiisa halkii uu ka hadli lahaa musuqmaasuqa baahsan iyo karti la’aanta ka jirta wasaaraddiisa. Emailka GPE, oo aan hadda soo bandhigay, looma soo dirin mana loo qorin Wasiirka Maaliyadda, taas oo muujinaysa sida qaladka ee uu u sheegay dadka hortooda.”

Hoos ka daalaco emailka uu Xildhibaan u qoray hay’adda Waxbarashada ka caawisa Soomaaliya ee GPE.

Warqadda jawaabta ah ee Xildhibaan Abiib oo ku qoran afka Ingiriiska halkan riix.

Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com