XILDHIBAAN CABDULLAAHI XAASHI ABIB OO SI KULUL UGU JAWAABAY ODAYAAL REER AWDAL OO QABTAY SHIR JARAA’ID AYNA KU TAAGEERAYAAN MAAMULKA SOMALILAND

XILDHIBAAN CABDULLAAHI XAASHI ABIB OO SI KULUL UGU JAWAABAY ODAYAAL REER AWDAL OO QABTAY SHIR JARAA’ID AYNA KU TAAGEERAYAAN MAAMULKA SOMALILAND

XILDHIBAAN ABIIB: Waa maalinta aan dunida u sheegayno in shacabka Awdal aanay sii aqbali doonin in la takooro, la xaqiro, laguna maquuniyo magac been ah oo la yiraahdo “qaran beeleed.”

Baaq Sharaf, Midnimo iyo Iska-Celin: Awdal State Waa Inay Digniinteeda Muujisaa

Waxaan si toos ah, si aan gabasho lahayn, oo xamaasad leh uga jawaabayaa shir jaraa’idkii ay qabteen rag sheeganaya inay yihiin odayaasha Awdal State, balse si ceeb ah ula saftay maamul-beeleedka gooni-u-goosadka ah ee Hargeysa – maamul ku tuntay xuquuqda hadalka, u diiday shacabka Awdal inay bannaanbaxaan, una gacan-haadiyay takoorka iyo xadgudubka joogtada ah ee lagu hayo shacabka Awdal muddo ku dhow 34 sano.

Qoraalkooda waa mid ceeb iyo bahdil ku ah magaca odaynimo. Odayaasha dhabta ah waa kuwa garab istaaga xaqa dadka, difaaca karaamadooda, una istaaga aayaha shacabka Awdal. Laakiin kuwaasi waxay iibiyeen damiirkoodii oo waxay doorbideen inay ka aamusaan dulmiga iyagoo laaluush qaatay ama cabsaday xabsi. Ma aha inay naga matalaan – xaqiiqdii, matalaad ma leh.

Waa nasiib darro weyn in halkii ay u hiilin lahaayeen saddex geesi oo bulshada ka tirsan oo si geesinimo leh uga hadlay tacaddiga iyo xaqiraadda lagu hayo shacabka Awdal, ay doorbideen inay garab istaagaan maamul sheeganaya dal aysan beel keliya gaar u yeelan karin, balse ku riyoonaya maamul-beeleed aan wax sharci ah lahayn, kana fekeraya dano gaar ah oo cid gaar ah u adeegaya.

Dadkaasi geesiga ah ee la xidhay dambigooda kaliya wuxuu ahaa inay ku adkaysteen xaqa shacabka Awdal State, inay yihiin qayb ka mid ah Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo inay diideen gooni-u-goosadka beel gaar ah ee ka hanaqaaday Hargeysa. Taasi ma aha dambi. Waa geesinimo, waa damiir, waa runta.

Waxaan si kulul ugu baaqayaa dhammaan shacabka Awdal State: laga bilaabo Gebiley, Boorama, Saylac, Lughaya, Baki, Lowyacado, Ceel Bardaale, Dila, Ruqi, Gargaara, Boon, Qunjeed, Fiqi Adan, Ceel Sheekh, Garbadado, Galooley, Gogeysa, Weerarta, Fadhi Xun, Caada, Carawareen Fardaha, Gebo, Cabdiqaadir, Geerisa, Ijiwaji, Illinta, Xuunsho Ley, Libaaxley iyo dhamaan deegaanada Awdal – inaan si buuxda uga soo wada qeyb galno bannaanbaxa 18-ka May 2025, iyadoo gacmaheena kor u hayno calanka Awdal State iyo calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya!

Waa maalinta aan dunida u sheegno in shacabka Awdal aanay sii aqbali doonin in la takooro, la xaqiro, laguna maquuniyo magac been ah oo la yiraahdo “qaran beeleed.”

34 sano dulmi ah waa ku filan. Maamulka Hargeysa wuxuu damacsan yahay in shacabka Awdal laga dhigo dad aan jirin, la aamusiyo, oo lagu khasbo inay taageeraan wax aaney raalli ka ahayn. Laakiin maanta, waa inaan dhahnaa: INTAA WAA INOO DHAAFTAY – XAQEENA AYAA NA HORYAALLA!

Aniga oo ah muwaadin sharaf leh oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaan si buuxda idiinku ballan qaadayaa inaan u dagaallami doono, maalin iyo habeen, xuquuqdiina, xorriyaddiina, iyo karaamadiina. Tani ma aha hadal-kaliya, waa waajib, waana mid aan siddayo ilaa dhamaadka.

Aabbayaal, hooyooyin, wiilal, gabdho, ayeeyooyin iyo awoowayaal sharafta leh ee Awdal State – fursad ayaa idiin furan 18-ka May 2025. Tani waa taariikh, waa digniin, waa kacdoon.

#Awdal State of Somalia ha noolaato! #Midnimada Soomaaliya ha noolaato!

#Karaamada shacabka Awdal ha la difaaco!
📷

Dr. Abdillahi Hashi Abib – BA, MA, MASc, Ph.D
Member of Foreign Affairs Committee
Federal Republic of Somalia the House of People
Mogadishu, Somalia
MP- HOP #201 Awdal Region and Gebileh District
Leader of the Accountability and Transparency Caucus of the House of People
E: dheemaal@yahoo.com
W: + 1-571-436-7586 M: + 252-6108-22469

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com