Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo Xadgudubka Madaxweyne Xasan Shiikh ee RW Hore Rooble ku Tilmaamay “Aaargoosi Siyaasadeed oo Foolxun”

Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo Xadgudubka Madaxweyne Xasan Shiikh ee RW Hore Rooble ku Tilmaamay “Aaargoosi Siyaasadeed oo Foolxun”

Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo Xadgudubka Madaxweyne Xasan Shiikh ee RW Hore Rooble ku Tilmaamay “Aaargoosi Siyaasadeed oo Foolxun”

Warqadda Xildhibaan Abiib ayaa sida hoose u qorneyd:

Cadaalad-Darro Siyaasadeed iyo Awood Ku-Tumasho – Xadgudubka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Xuquuqda RW hore Mudane Mohamed Hussein Roble
Waa arrin foolxun oo laga xumaado in Madaxweynaha Soomaaliya, halkii uu ixtiraami lahaa una maamuusi lahaa Ra’iisul Wasaarihii hore, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, uu doorbiday aargoosi siyaasadeed oo liita, isagoo kahoristaagay isaga iyo wefdigiisa inay helaan fiisaha ay ku safri lahaayeen iyagoo adeegsanaya baasaboorradooda diblomaasiyadeed. Xadgudubkan awoodda ah waa mid keli-talisnimo muujinaya, wuxuuna ka turjumayaa laba wejiilenimada uu madaxweynuhu hore ugu eedayn jiray kuwa kale.

Xitaa haddii ay jiraan kaladuwanaansho siyaasadeed, Ra’iisul Wasaarihii hore – sida hoggaamiye kasta oo horey u soo maray dalka – waxaa uu leeyahay xaq buuxa oo uu si xor ah ugu safri karo isaga oo adeegsanaya baasaboorkiisa diblomaasiyadeed. In laga hor istaago xaqaas oo lagu khasbo inuu isticmaalo baasaboorkiisa Iswiidhishka waa ficil cad oo lagu beegsanayo, isla markaana ah jebin xeerarka diblomaasiyadda iyo xadgudub ka dhan ah xorriyadaha aasaasiga ah. Waxaa muuqata in madaxweynuhu si fudud u illoobay in aanuu maanta xafiiska joogteen lahayn haddii uusan jirin kaalintii lama illaawaanka ahayd ee Rooble ka qaatay doorashadii 2022. Nacaybka siyaasadeed ee la muujinayo waa mid aan la qarin karin.

Waxa ka sii daran ayaa ah sida madaxweynuhu ugu hanqaltaagayo inuu aamusiiyo cid kasta oo wax ka sheegta xukunkiisa, gaar ahaan kuwa dhaliila sida uu doonayo in loo maareeyo doorashada 2026. Ficilladiisu waxay muujinayaan hoggaamiye aan kalsooni ku qabin awooddiisa, balse si kastaba ha ahaatee, go’aansaday inuu nidaamka u maamulo si isaga u gaar ah oo dani ugu jirto. Isla ninkii mar ka hor u doodayay in aan la faragelin doorashooyinkii 2022, maanta wuxuu u dhaqmayaa sidii mid aan u dulqaadan karin mucaarad la xisaabtama oo kahoryimaada qorshayaashiisa mustaqbalka.

In la hor istaago safarkii qorshaysnaa ee Rooble ku tagi lahaa Koonfur Afrika waa aargoosi siyaasadeed oo cad, waana isku day fulaynimo ah oo lagu daminayo codadka mucaaradka. Waa xadgudub awood oo aan la aqbali karin, waxaana looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay si cad uga dhiidhiyaan ficilladan foosha xun. Waa in aan la ogolaan in nidaam kali-talisnimo ah la hirgeliyo, waxaana lagama maarmaan ah in si wadajir ah loola dagaallamo xeeladaha xukun kororsi ee lagu cabburinayo dimuqraadiyadda.

Waxaa la joogaa xilligii la hadli lahaa, lagana hor imaan lahaa hab-dhaqankan kali-talisnimada ah kahor inta aanu caadi noqon!

Dr. Abdillahi Hashi Abib – BA, MA, MASc, Ph.D
Member of Foreign Affairs Committee
Federal Republic of Somalia the House of People
Mogadishu, Somalia
MP- HOP #201 Awdal Region and Gebileh District
Leader of the Accountability and Transparency Caucus of the House of People
E: abdillahi.abib@parliament.gov.so

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com