XILDHIBAAN CABDULLAHI XAASHI ABIIB OO KA JAWAABAY “CODSI U YEERID” UGA YIMID GUDDIGA XEER-HOOSAADKA ANSHAXA & XASAANADDA

XILDHIBAAN CABDULLAHI XAASHI ABIIB OO KA JAWAABAY “CODSI U YEERID” UGA YIMID GUDDIGA XEER-HOOSAADKA ANSHAXA & XASAANADDA

XILDHIBAAN CABDULLAHI XAASHI ABIIB OO KA JAWAABAY “CODSI U YEERID” UGA YIMID GUDDIGA XEER-HOOSAADKA ANSHAXA & XASAANADDA

Ujeeddo: Jawaab ku saabsan Warqadda U-yeerista iyo Cabasho Sharciyeed iyo Habraaceed

Mudane Guddoomiye,

Anigoo tixraacaya warqadda summaddeedu tahay GXAXD/1012/B11/25 ee taariikheeddu tahay 18ka May, 2025, ee ka timid Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka, una jeedkeedu yahay in aan ka soo qayb galo kulan xog-wareysi oo la qorsheeyey in uu qabsoomo 15ka Juun, 2025, saacadda 11:00 subaxnimoah, xarunta Villa Hargeysa, waxaan si xushmad leh halkan uga soo gudbinayaa jawaab rasmi ah.

Anigoo si buuxda u ixtiraamaya Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, isla markaana u hoggaansamaya mabaa’diida dastuuriga ah ee hufnaanta, isla xisaabtanka iyo sarreynta sharciga, waxaan mar kale muujinayaa diyaarintayda buuxda ee aan uga jawaabi doono su’aal kasta oo sharci iyo nidaam waafaqsan ah oo Guddigu i weydiiyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan si rasmi ah u soo gudbinayaa cabasho sharciyeed iyo mid habraaceed, oo u baahan in si degdeg ah loo eego.

Anigoo adeegsanaya xuquuqdayda uu dammaanad qaaday Qodobka 22(1) iyo (2) ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo damaanad qaadaya caafimaadka jireed iyo maskaxeed ee muwaadinka, oo ay ku jiraan Xildhibaanada, waxaan ogeysiinayaa Xafiiska Guddoomiyaha iyo Guddiga in aan hadda ku jiro baaritaan caafimaad oo dhameystiran, kaas oo bilaabmay 30ka Abriil, 2025, kuna eg 10ka Agoosto, 2025.

Dhaqtarkayga ayaa igu wargeliyey in aan iska ilaaliyo safarada iyo kaxeynta gaadiidka inta lagu jiro muddada baaritaanka. Sidaas darteed, waxaan si xushmad leh u codsanayaa in la ii oggolaado ka qaybgalka kulanka si fogaan-arag ah (Zoom ama WhatsApp), taasoo aan ku xaqiijin karo ka qaybqaadashada hawsha guddiga anigoon waxyeello u geysanayn xaaladdayda caafimaad. (Warqadda caafimaadka ee arrintan la xiriirta ayaa la socda warqaddan.)

Waxaan si rasmi ah u shaki gelinayaa sharciyadda iyo dhexdhexaadnimada xubnaha iyo hoggaanka hadda ee Guddiga, sababo la xiriira:
o Ma Jirto Kooram Sharci ah: Warqadda u-yeerista waxaa saxiixay afar (4) xubnood oo keliya oo ka mid ah 22 xubnood ee Guddiga. Tani waa mid si cad uga hoosaysa kooramka sharciyeed ee looga baahan yahay kulamada Guddiyada, sida ku cad Qodobka 11 ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, waxaana sabab u noqoneysa in go’aan kasta oo ay gaaraan xubnahaasi uu noqdo mid aan sharciyad lahayn, kana hor imanaya habraaca saxda ah.
o Is Khilaafid Dano iyo Dhaqan Xumo: Guddoomiyaha Guddiga ee warqadda saxiixay waa shaqsi aan ka gudbiyey eedo culus oo la xiriira hanjabaad, cabsi gelin, dhibaateyn iyo ku xadgudub awoodeed. Ficilladani waxay si toos ah u jebinayaan Xeerka Anshaxa Xildhibaanada waxayna abuureen is khilaafid dano oo weyn, taasoo meesha ka saaraysa kalsoonidii iyo sharcinimadii guddiga. Waxaan diyaar u ahay in aan keeno caddeymo qoraal ah oo ku saabsan eedahaas si loo horgeeyo hay’adaha baarista sharci ee khuseeya.

Anigoo adeegsanaya Qodobka 69 ee Dastuurka KMG ah iyo Qodobbada 3 iyo 20 ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, waxaan si sharci ah uga codsanayaa Xafiiska Guddoomiyaha:
o In la dhiso Guddiga KMG ah (Ad Hoc Committee)oo ka kooban xubno ka kala socda labada dhinac ee Baarlamaanka — xildhibaanada dawladda taageersan iyo kuwa mucaaradka ah — si loo xaqiijiyo dhexdhexaadnimo, hufnaan, iyo hab-raac sharciyeed oo cadaalad ku dhisan.

Tani waxay muhiim u tahay ilaalinta sharafta hanaanka sharciyeed ee Baarlamaanka, ilaalinta sinaanta xildhibaanada, iyo difaaca xuquuqdayda dastuuriga ah.

Waxaan sidoo kale si rasmi ah u codsanayaa in si degdeg ah la iigu soo celiyo xuquuqdayda buuxda ee xildhibaannimo, oo ay ka mid yihiin:
o Lacagta gunnooyinka iyo xaqa mushaharka ee sharciyan aan xaqa u lahaa, balse si aan sharci ahayn loo hakiyey;
o Furitaanka xisaab email-kayga rasmiga ah ee Baarlamaanka, oo lagama maarmaan u ah gudashada waajibaadkayga sharciyeed;
o Soo celinta magaca iyo xogtayda rasmiga ah ee ku qoran bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka, anigoo ah xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda.

Xuquuqdan ma aha wax ikhtiyaar u ah cid gaar ah, ee waa xuquuq sharci ah oo uu dammaanad qaaday Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Waxaan mar walba diyaar u ahay in aan guto waajibaadka i saaran ee dastuuriga ah, anigoo si buuxda ula shaqayn doona dhammaan hannaanka Baarlamaanka ee la fuliyo iyadoo lagu saleynayo sharciga, Xeer-hoosaadka Golaha, iyo mabaadi’da cadaaladda dabiiciga ah, hab-raaca saxda ah, iyo sinnaan dhammaystiran.

Waxaan si xushmad leh ugu baaqayaa Xafiiska Guddoomiyaha in uu tallaabo degdeg ah ka qaado arrintan si loo ilaaliyo sharafka, hufnaanta iyo sharcinimada Golaha Shacabka.

Si Xushmad Leh,

Dr. Abdillahi Hashi Abib – BA, MA, MASc, Ph.D
Member of Foreign Affairs Committee
Federal Republic of Somalia the House of People
Mogadishu, Somalia
MP- HOP #201 Awdal Region and Gebileh District
Leader of the Accountability and Transparency Caucus of the House of People
E: [email protected]
W: + 1-571-436-7586 M: + 252-6108-22469

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com