Xildhibaan Fiqi: “Dalka wuxuu galay Xaalad Halis ah masuuliyadeedana Farmaajo ayaa leh”Waraysi

Xildhibaan Fiqi: “Dalka wuxuu galay Xaalad Halis ah masuuliyadeedana Farmaajo ayaa leh”Waraysi

Xildhibaan Axmed Cali Fiqi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya gaar ahaana kuwa Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalku galay xaalad halis ah masuuliyadeedana uu leeyahay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo sida uu sheegay gudan waayey waajibkii qaran ee loo xilsaaray.

“Dalka meel halis ah buu marayaa iskamana tegine cidbaa ka masuul ah, xildhibaanada qaranka iyagoo waajibkooda gudanaya ayay mooshin ka keeneen madaxweynaha waayo isagaa dalka lugaha iyo madaxa iskaga xiray”, ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in cida keliya ee Dawlada ka nabad gashay ay tahay Al-shabaab halka masuuliyiintii Dawlad goboleedyada iyo cid walba la kulmayso xasilooni daro siyaasadeed oo laga abaabulayo Madaxtooyadda Soomaaliya.
Amniga, Siyaasada isku hayna dalka, carqaladaynta Dawlada goboleedyada iyo arimo badan oo kale ayuu eedooda dusha ka saaray Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda Ra’isal Wasaare Khayre.

“Madaxweynaha waxaa la rabaa inuu si geesi nimo ah u yimaado Baarlamaanka oo xataa khaladkiisa qirto una hogaansamo wixii laga gaaro oo go’aan ah lkn taa bedel keeda wuxuu weerar ku qaaday gudoomiyihii baarlamaanka oo yiri cid uma tegi karto, marka dalku halis buu kujiraa Xildhibaanadana waajibkooday gudanayaan oo waxay leeyihiin adeer wixii aad balan qaaday inaad ka dhabaynaysaa la moodayey lkn maad fulin”, ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ugu danbayn Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in mooshinku soconayo lana marsiin doono hamraaca shaqo ee baarlamaanka oo la waafajiyey xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo dastuurka dalka.

Hoos Kadaawo Sido kale Waraysiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com