Xildhibaan ka hadlay kulankii khayre iyo Xaaf

Xildhibaan ka hadlay kulankii khayre iyo Xaaf

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hal ku-dhig cajiib ah ka sameeyay kulankii deegaanka Godinlabe ku dhex maray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Axmed Fiqi ayaa kulankaas ugu yeeray kulankii Xafiis duureedka, maadaama muddo sanad ay suura geli weyday in labadooda isku arkaan Xafiisyada Villa Somalia.

“Kulankii Xafiis-duureedka Madaxweynaha Galmudug iyo Raysulwasaaraha xukuumadda oo muddo sanad ku dhow ay suurtoobi waydey in lagu kulmo xafiisyada qurxoon ee Villa Somalia balse duurka Godinlabe ka suurtagalay! Madaxdii luuqluuq marow baratey, duurka in ay timaado laaziman waaye”ayuu yiri Axmed Fiqi qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa dhowaan sheegay inuu muddo sanad aanu tagin magaalada Muqdisho, mudadaas uu u dhaxeeyay Dhuusamareeb iyo Nairobi, isagoo tilmaamay in khilaafka dowladda Federaalka kala dhaxeeya iyo dagaalka lagu hayay maamulkiisa ay sabab u aheyd.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com