Xildhibaan katirsan Baarlamaanka jubbaland oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka jubbaland oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo

Allaha u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo ka tirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saakay ku geeriyooday magaalada Kismaayo

Xildhibaanka ayaa xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey Madaxweynaha dowlad goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka jubbaland

Madaxweynaha ayaa guud ahaan shacabka reer Jubbaland, Xildhibaanada golaha wakiilada, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, qaraabadii iyo Saxiibadii uu ka baxay maruuxmku isagoo alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com