Xildhibaan Sareeda oo loo diiday in ay u dhoofto magaalada Baydhabo

Xildhibaan Sareeda oo loo diiday in ay u dhoofto magaalada Baydhabo

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu celiyay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Golaha Shacabka oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaan Sareedo oo la hadashay warbaahinta ayaa s in Maanta loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo kusii jeeda magaalada Baydhaba, waxayna tilmaamtay in laga hor istaagay Safarkeeda .

Sidoo kale Xildhibaan Sareeda ayaa sheegtay in Nin aysan garaneyn uu ka qaatay Warqada Ogolaansha ee diyaarada ay ku raaci lahayd .

Waxa ay intaasi ku sii dartay in tani ay muujineyso beegsi gaar ah oo lagu hayo xildhaannada ka soo jeeda KGS.

“Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaaNidaamka Dawladnimana Bur bur ayaa ku imaanaya ayay tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle.

Dhawaan ayay ahayd markii Diyaarado Dad Rakaab ah waday loo diiday in ay aadan Magaalada Baydhabo waxaana ku jiray Meydka qof dibada ku soo dhintay oo la doonayay in Baydhbo loo qaaado .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com