Xildhibaanada Aqalka Sare oo ansixiyay xubnaha ku matalaya Guddiga Dastuurka

Xildhibaanada Aqalka Sare oo ansixiyay xubnaha ku matalaya Guddiga Dastuurka

Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansaxiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka.

Xubnaha ku matalaya Aqalka Sare Guddiga dastuurka ayaa ka kooban 5 xubnood, kuwaasi oo Xildhibaanada Aqalka sare ay cod gacantaag ah ku ansixiyeen, si ay u matalaan.

Puntland ayaan kujirin guddiyadan la magacaabay,lama ogga waxay Puntland ka dhihi doonto.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:

1: Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
2: Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)
3: Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
4: Senator Saalax Axmed Jaamac
5: Senator Xasan Xuseen Xaaji.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com