Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga doorto Puntland, ayaa lagu casumey Kalfadhiga 55’aad ee golaha Wakiiladda Puntland

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga doorto Puntland, ayaa lagu casumey Kalfadhiga 55’aad ee golaha Wakiiladda Puntland

Garoowe: Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga doorto Puntland, ayaa lagu casumey Kalfadhiga 55’aad ee golaha Wakiiladda Puntland oo dhowaan ka furmaya magaalada Garoowe, xili uusan mudooyinkii danbe fiicnayn Xiriirka inta badan Xildhibaanadan iyo Dawlada Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa marar badan eedayn ujeedisey Xildhibaanada laga doortay Puntland ee kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen metelaadii Shacabka iyo Dawlada Puntland.

Xildhibaanada laga doorto Puntland ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarkood Iska difaaceen eedaasi, Iyagoo dhankooda eed u Jeediyey Madaxweynaha Puntland oo ay sheegeen inuu dano shaqsi ah ku cadaadinayo Xildhibaanadu inay ku raacaan.

Lama oga jawaabta ka imaan doonta Xildhibaanada labada Aqal ee Puntland laga doorto oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com