Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya Canshuurta cusub oo dowladda soo kordhisay

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya Canshuurta cusub oo dowladda soo kordhisay

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah inay kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Xildhibaannada ay kasoo qeyb galaan kulanka, waqtiga ilaaliyaan maadaama dhowr jeer kulamad Golaha Shacabka ay kooram la’aan u baaqdeen.

Xildhibaanada golaha shacabka barlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa dood ka yeelan doona soo jeedinta xildhibaanada ee mooshin ku saabsan wax iska waydiinta canshuuraha ay soo rogtey xukuumadda iyo cabashada ganacsatada gobolka Benaadir.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Sabtidii todobaadkaan qaarkood sheegay inay siwyen uga soo horjeedaan in Canshuur aysan ansixin laga qaado Dadka Shacabka ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com