Xildhibaano ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Kheyre inuu hor-yimaado Baarlamaanka

Xildhibaano ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Kheyre inuu hor-yimaado Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha inuu hor-yimaado Baarlamaanka, si uu Baarlamaanka ula socodsiiyo arrimaha muranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, si ay xaaladda ula socdaan.

Xildhibaan Ciyaar Jecel oo maanta ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay Xukuumadda inay Baarlamaanka ka talo geliso halka ay wax marayaan.

“Waxaan codsanayaa in uu Baarlamaanka horyimaado Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre” ayuu yiri Xildhibaan Ciyaar Jecel.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey ayaa golaha ka hor sheegay in ay la socdaan xaaladda muranka Badda Soomaaliya ee ay Kenya waddo, isagoo intaa ku daray inay eegayaan bal cidda wax ka bedesha.

Dhowr jeer oo hore Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha inuu hor-yimaado, waxaa ka meer meeray Guddoonka oo aan codsigooda u fulin, una yeerin Ra’iisul Wasaaraha, taasoo shaki badan keeneysa sida Baarlamaanka aanu xilligan ula xisaabtamin Xukuumadda.

Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii Xukuumaddiisa la ansixiyay labo sano ka hor waxaa uu balan-qaaday la shaqeyn doono, mar walba oo ay timaado la xisaabtanka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tan iyo markii la ansixiyay Xukuumaddiisa aanu hortagin Baarlamaanka, waxaa taa bedelkeed uu gaashaan adag ka dhigtay Xildhibaano badan oo Xukuumaddiisa ka tirsan, oo marka uu culeys uga yimaado Baarlamaanka u taagan inay difaacaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com