Waxaa Magaalada Kismaayo gaaray xubno kale oo ka mid ah xuldhibaanada labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda ay tahay Jubbaland ayaa kuwaas oo maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Xildhibaan oo uu hogaaminayay Senetor Ilyaas Badal Kaboose ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magalaada Kismaayo kusoo dhaweeyay xubno katirsan Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Inta badan Xildhibaanada labada Aqal ku matala DFS Jubbaland waxa ay gaareen magaalada Kismaayo, oo ay uga qeyb galayaan shirka wadatashiga ah ee uu ku casuumay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe
COMMENTS