Xiriirka Isbahaysiga Dawladaha Saaxilka (AES) iyo Fadareeshinka Ruushka oo sii Xoogaysanaya

Xiriirka Isbahaysiga Dawladaha Saaxilka (AES) iyo Fadareeshinka Ruushka oo sii Xoogaysanaya

Saddexda dawladood ee Mali, Niger iyo Burkina Faso waxa ay si wadajir ah dalalkooda uga saareen Faransiiska, waxayna ku wada xijiyeen ayaga oo xiray dhammaan saldhigyadii ciidamada reer Galbeedka, siiba saldhig kii ugu weynaa ee ciidamada cirka Mareykanku ku lahaayeen Niger, kala ahaana Air Base 101 oo ku yaal caasimadda Niger, Niamey, iyo Air Base 201 oo asna ku ag yaal magaalada Agadez. Saldhigyadaan waaweyn ayaa Mareykanku u isticmaali jiray darooniska wax basaasa ee ay kamidyihiin MQ-9 Reaper.

Saddexda dawladood ayaa dhammaantood waxaa dagaal ba’an ku hayey ISIS-ta Saaxilka, laakiin sidii loo xiray saldhigyada shisheeye, waxaa si fiican looga adkaaday argagixisada.

Saddexda dawladood weli waxaa ku socda dagaal toos iyo mid siyaasadeed, laakiin si ay uga hortagaan qorshaha reer Galbeedka waxa ay xoojiyeen xiriirkooda Ruushka. Xoojinta xiriirka Ruushka ayaa hadda dhalay in waa mar e dal walbaa xiriirkiisa goonida ah ee Ruushka Xoojiyo, lana abuuro xiriir heer fadaraal ah oo u dhexeeya fadareeshinka Ruushka iyo Isbahaysiga Dawladaha Saaxilka, kaas oo maanta lagu yagleelay Moscow.

Adduunka waxaa ka socda isbaddalo xawaare ku socda oo aad mooddo in ay ka daranyihiin kii Berlin Afrika lagu qaysaday ee 1884 (Scramble for Africa), waana tan maanta haysata Soomaaliya oo xataa taladii dawladnimo iyo tii ammaankaba lagala wareegay, aad moodana in ay qalasho sug tahay oo kaliya. Dalalka Afrika badidoodu waa tashadeen e madaxda Soomaalidu ma tashan karaan, mise waa “nin loo taliyaa ma tashan karo!”

Maxaad se kula talin lahayd madaxda Soomaalida.

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com