Xiriirka Sucuudiga iyo Iran oo Gaaray Walaaltinimo iyo Iran oo Ballanqaaday in ay Sacuudiga ka Caawiso Dhan kasta
Tan iyo heshiiskii labada dal ee bishii Maarso 2023 ee Shiinuhu garwadeenka ka ahaa, waxaa sii xoogeysanaya heshiiska Sacuudiga iyo Iran. Wasiirka Gaashaandhigga Sucuudiga Amiir Khalid bin Salman Al Saud, ahna wiilka Boqor Salmaan, oo haatan booqasho ku jooga Iran ayaa yiri, “Laga bilaabo maanta, waxaan si furan oo sharafi ku dheehantahay u cadeynayaa in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay u aragto Iran inay tahay saaxiib, walaal iyo waliba daris mudnaan gooni ah leh.”
Sucuudiga oo hore ugu fashilmay inuu dalalka Islaamka ka dhaadhaaciyo in Shiicadu aysan Muslin ahayn ayaa hadda u muuqda mid badalay gaddiisii hore, rabana in uu dalalka Islaamka oo dhan isku si ula dhaqmo, taas oo la filayo in ay wax ka badasho siyaasaddiisa faafinta Wahaabiyada, siiba dhanka Soomaaliya oo Wahaabiyadu saameyn daran ku dhex yeelatay bulshada Soomaaliyeed.
Amiir Khalid bin Salmaan oo maanta la kulmay hoggaamiyaha Iran Ayatollah ayaa hoggaamiyuhu si cad ugu sheegay wiilka Boqor Salmaan in Iran ay diyaar ula tahay in ay dhan kasta ka caawiso Sacuudiga, xataa dhanka horumarinta taknoolajiyadda aaladda nukliyeerka, siiba dhanka daawada iyo tamarta.
Mareykanka oo aan raalli ka ahayn horumarka Iran ee dhanka taknoolajiyadda iyo hubka casriga ah, siiba gantaalada ridada dheer iyo darooniska xawaaraha sare u ku socda, oo haddana ku darsatay in Iran ay tahay dawladda kaliya ee Islaamka ah ee hortaagan qorshaha is ballaarinta Is^raaiil ee Bariga Dhexe ayaa haatan walaac horleh ku yimid siyaasaddii Bariga Dhexe oo hore ugu dhisneyd iska horkeenka dalalka dariska, siiba kala fogeynta dalalka Islaamka.
Sacuudiga ayaa in kasta oo uu heshiis dhaqaale iyo mid shidaal la galay Shiinaha, shidaalkiisana markii ugu horraysay taariikhda Sucuudiga uu qayb kamid ah ku iibinayo lacagta Shiinaha ee Renminbi (RMB), aysan marnana u suurtoobi karin in uu ka xiriir furto Mareykanka, sababo la xiriira maalka Sucuudiga oo inta la qiyaasayo in ka badan $1 Tirilyan USD ay ku jiraan bangiyada iyo shirkadaha Mareykanka.
> Daljir Media
COMMENTS