Xisbiyada Midigta oo guulo kasoo hooyay Doorashooyinka Baarlamaanka Yurub

Xisbiyada Midigta oo guulo kasoo hooyay Doorashooyinka Baarlamaanka Yurub

Xisbiyada midigta fog ayaa guulo waaweyn ka gaaray doorashada baarlamaaniga ee Midowga Yurub, iyaga oo guul darrooyin durbaba saameyn reebay dhabarka u saariyay, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, iyo hoggaamiyaha Austria Karl Nehammer.

Dalka Faransiiska, xisbiga midigta fog ee NR ee ay hoggaamiso Marine Le Pen ayaa guul kasoo hooyay, arrintaas oo sababtay in madaxweyne Macron uu xalay kala diray golaha baarlamaanka kuna dhawaaqay doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay.

Tallaabadan ayaa loo arkaa qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu ku kacay Macron maadaama xisbigiisa uu doorashadi Axaddii kala kulmay jab weyn.

Haddii uu lumiyo doorashada uu ku baaqay ee 30-ka bishan June, waxaa suuragal noqon doonta inuu xilka ka dago saddex sano ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka muudo xileedkiisa oo ku eg sannadka 2027.

Dalka Jarmalka, In Germany, waxaa guul lama filaan ah gaaray xisbiga midigta ee AfD oo kasoo kabtay fadeexado hareeyay murashaxiintooda ugu sarreeyay. Xisbigaan ayaa 16.5% kor ugu kacay codadka ay haleen marka loo eego doorashadi 2019-ki oo ay haleen 11%.

Xisbiga hogaamiyaha Jarmalka Scholz ee Social Democratic-ka ayaa ka hoos maray xisbiga midigta fog ee aad xahg-jirka u ah, arrintaas oo loo arko guuldarro siyaasadeed oo soo gaartay xisbul xaakimka.

Dhanka kale, xisbiga midigta fog ee Ra’isulwasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sii xoojistay kuraastoodii baarlamaanka Yurub, kaddib marki ay guulo waaweyn kasoo hooyeen Talyaaniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com