Xog Ku Saabsan Duqayn Kadhacday Xeebaha Degmada Caluula (dhegayso)

Xog Ku Saabsan Duqayn Kadhacday Xeebaha Degmada Caluula (dhegayso)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqayn shalay galab salaaddii casar kadib kadhacday xeebaha degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

Duqaynta oo kadhacday deegaan xeeb ah oo qiyaastii 10Km dhanka xeebta kajira Caluula ayaa waxaa lasheegay inay fuliyeen diyaarado dagaal oo nooca helikoobtarka loo yaqaan ah, lana rumaysan yahay inay ka soo duushay maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Puntland.

Afhayeenka maamulka degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ayaa sheegay in ay hal mar maqleen rasaas xoogan oo dhacaysa iyo diyaaraddo dul heehaabaya dhanka xeebaha, kadibna si dhaqso ah uga duulay deegaanka kahor inta maamulku uusan gaarin.

Dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee ka agdhowaan xeebaha ayaa ka cararay goobta iyagoo ka cabsi qaba in duqayntaasi ay waxyeelo ka soo gaarto, mana jirto cid ilaa hadda cadaysay ujeedada dhabta ah ee duqayntaasi.

Diyaarado duqeeyey Caluula (dhegayso)

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com