Xogta Feyruska Karoona ee dalka Soomaaliya, Waxaa la diiwaangeliyay 12,817 xaaladood 1,333waa dhimasho

Xogta Feyruska Karoona ee dalka Soomaaliya,  Waxaa la diiwaangeliyay 12,817 xaaladood 1,333waa dhimasho

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in asbuucii u dambeeyay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 4,792, balse la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Puntland 10 Ruux, Gobolka Banaadir lix qof, jubbaland 4 Ruux iyo Somaliland oo laga diiwaangeliyay min 3 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 13 Rag ah iyo 1o Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 2 Ruux degaannada Somaliland, iyada oo ay ka bogsadeen 4.93

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 12,817 xaaladood 1,333 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 12,817, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com