XUBINTII ADDIS ABABA & XAALADAHA CAKIRAN EE ITOOBIYA

XUBINTII ADDIS ABABA & XAALADAHA CAKIRAN EE ITOOBIYA

XUBINTII ADDIS ABABA: Xaaladaha cakiran ee Itoobiya iyo RW Abiye Axmed oo dab isugu dhiibaya qowmiyadaha Axmaarada iyo Tigreega iyo Canfarta oo weerar lagu yahay

ABIYE & AXMAARADA

Raysul Wasaaraha Itoobiya @AbiyAhmedAli ayaa maalintii shaley socdaal aan hore loo shaacin ku tagay magaalada Gonder ee Kililka
Amxaarada. Abiye waxa uu magaalada Gonder kula shirey odayaal iyo saraakiisha xisbigiisa Barwaaqo ee Kililka Amxaarada.

Shirkaan oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen loona diidey ka qaybgalayaasha waxaa laga sheegay in Abiye uu ku yiri, “Waxaan idin sheegayaa in aad dagaalka gashaan oo dhulkiinii ka soo ceshataan Tigrayga. Qalad weyn bay idin ku tahay in aad maanta ka talo baxdaan dhulkiinii Wolqayt iyo Tsegede (Segedhe).”

Amxaarada iyo Tigreeguba hadalkaas Abiye waxa uu u muujiyey in uu ka baxay heshiiskii uu Pretoria kula galay TPLF.

Dhanka siyaasiyiinta Amxaarada iyo dagaalyahanadooda FANO ayaa ku sifeeyey hadalka iyo socdaalka Abiye mid uu ku raadsanayo taageerada qowmiyada Amxaarada, taasna oo u mar hore lumiyey, uusana heli doonin.

QORSHAHA TIGREEGA & WEERARKA CANFARTA

Warka Walqayt iyo Segedhe markuu xalay soo baxay waxaa aad uga caroodey madaxda iyo taageerayaasha TPLF, una arkay in Abiye uu mar kale weerar soo yahay.

Tigreega oo dareensan qorshaha cusub ee Abiye ayaa la sheegayaa in ay hadda qorsheynayaan qodobada soo socda:
1. In aysan marnaba dagaal la galin Axmaarada maadaama ay ku xidhanyihiin Eritariyaanka
2. In ay dagaal ku qaadaan Canfarta, dibna u qabsadaan dhulkii Canfarta ee awal hoos imaan jiray Tigreega wakhtigii Mengistu Xayle Marayan, maadaama ay soo yaraatay rajadii Tigreega ee dib-u-qabsasho deegaanadii Axmaaradu ka qabsatay sannadkii 2022

QORSHAHA CUSUB ee Abiye Axmed iyo dagaal ka dhan ah Eritariya

Waxaa Abiye gabagabo u maraya kulamo ururada Canfarta Eriteriya uga socda deegaanka Canfarta wuxuuna qorshihiisu yahay in jabhado Canfarta oo kaashanaya ciidamada Itoobiya ay dagaal ku qaadaan oo bartilmaansadaan magaalada dekedda ee Cassab.

Eriteriya ayaa la sheegayaa in aysan moogayn qorshaha cusub ee Abiye ee cimri-dheereysiga.

Dhanka badda Soomaaliya oo awal Abiye ku rajo weynaa in uu ku helo aqbalaadda Amxaarada ayaa hadda fashil ku dhow, laakiin Abiye waxa uu weli ku hanjabayaa in uu dagaalka Amxaarada joojin doona, ciidamadana u kala diri doono Saylac iyo dhanka Canfarta.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com