Xubno ka mid ah guddiga doorashada gobolada Waqooyi oo qaadacay doorashada berri

Xubno ka mid ah guddiga doorashada gobolada Waqooyi oo qaadacay doorashada berri

4 kamid ah Xubnaha Guddiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee uu soo magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aanay ka qaybgelayn Doorashada guddoonka Gudiga ee berri guddiga hirgalinta Doorashadu sheegay iney ka dhacayso teendhada Afisiyoone ee Magaaladda Muqdisho.

Xubnahaan ayaa sheegay in guddigaan markii hore uu ku yimid wadahadal, islamarkaana ay ogol yihiin in ay is doortaan kaliyah Siddeed xubnood oo laga saaro Saddexdii xubnood ee ka yimid dhanka xafiiska Rooble.

Garabka uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay galabta in berri ay dhici doonto doorashada Guddiga doorashada ka dib markii uu amray Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Khilaafka ka taagan labada dhinac ayaa xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com