Muqdisho, Sept 26 – War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka gaashaandhigga ee dawlada federaalka ah Xuseen Carab Ciise, ahna ku-simaha R/wasaare Gaas ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo u xil-saaran caawinta guddiga dastuurka ee soo diyaariyey qaby-qoraalka dastuurka ee dawlada federaalka ah ee Somaliya.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnahan loo doortay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin shuruucda iyo dastuurka.
Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah:
1. Dr. Cali Saciid Fiqi
2. Maxamed Sheekh Cusman Jawaari
3. Prof. Axmed Cabbaas Axmed
4. Dr. Shukriya Cabdiraxman Diini
5. Prof. Maxamuud Macallin Ali (Tuuryare)
6. Avv. Caasha-kiin Faarax Ducaale
7. Cali Sh. Maxamuud Gacal
8. Hanan A. Ibraahim
9. Avv. Cali Cabdalla Daafeed
Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.
FAALLOOYIN & FALCELIN