Xukuumadda Puntland ayaa beenisey war lagu faafiyey warbaahinta oo sheegayey in Ciidamo shisheeye la keenay Boosaaso iyo in Garoonka Boosaaso lagaga duulo dalal shisheeye.

Xukuumadda Puntland ayaa beenisey war lagu faafiyey warbaahinta oo sheegayey in Ciidamo shisheeye la keenay Boosaaso iyo in Garoonka Boosaaso lagaga duulo dalal shisheeye.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay Warbaahinta, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka maalmihii u danbeeyey la isla dhexmarayey ee sheegaya in Dawlada Imaaraadka Carabtu ay Raadaar la socda dhaq dhaqaaqa Hawada Geeska Afrika & kan badda Cas ay ku rakibatay magaalada Boosaaso, Wasiirka oo si adag u beeniyey warkaasi ayaa sheegay inay tahay dacaayad laga fidinyo Puntland oo ay abaabuleen Dawlada Soomaaliya oo kaa shanaysa shaqsiyaad u dhashay dalalka Turkiga Iyo Qadar oo si ba’an faraha ugula jira siyaasada gudaha ee Soomaaliya.

“Wadamada Turkiga, Qadar iyo qolyo iska dhigaya warbaahin caalami ah, ayaa ka dambeeya wararka been abuurka ah ee sheegaya in Raadaaro lagu rakibay oo laga tuuray magaalada xeebta ah ee Boosaaso, Puntland waxaa loo quuri la’yahay inay ka adkaatay argagixisadii uu Turkigu sanadaha badan la dagaamalayey”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Puntland aan marna looga duulin wadamo shisheeeye, isagoo beeniyey in diyaarado sahay ciidan ka qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ay ka qayb qaateen xasaradaha Suudaan. Wasiir Caydiid ayaa intaa ku daray in qorshaha faafinta been abuurku yahay sidii Puntland loogu samayn lahaa cadow banaanka ah.

“Madaxweynaha Soomaaliya dhowaan wuxuu yiri Soomaaliya waxay ku biiraysaa dagaalka kadhanka ah Xuutiyiinta, arintaasi waxay ahayd qorshe uu ku doonayo in Xuutiyiintu soo duqeeyaan magaalooyinka xeebaha ah ee Puntland iyo kuwa gobolda kale sida Berbera iyo wixii lamid ah, waxaa la quuri la’yahay in Puntland tahay Dawlad dhamaystiran, leedahay laba Dekedood oo waaaweyn iyo in aanu ka adkaanay mudo yar Argagixisadii caalamiga ahayd ee Turkigu sanadaha badan kula dagaalamayey Suuriya,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Warka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili Mudooyinkii danbe ay sii xoogaysanayso, faragelinta Turkiga uu ku hayo Siyaasada gudaha ee Soomaaliya taasoo hadda isu bedeshey Dhaxal wareejinta khayraadka dalka, wiiqista Dawladimada iyo kala dhantaalida midnimada dalka.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com