Xuska maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo maalinta Cunada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay( Sawiro)

Xuska maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo maalinta Cunada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay( Sawiro)

Dadka Soomaaliyeed intooda badan waa dad Beeraleey iyo Xoolo dhaqato ah muhiimad gaar ah ayayna u leedahay xuska Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Maalinta Cunada aduunka oo labadoodaba lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, aqoonyahano, beeraley, ganacsato, Hey’addo caalami ah iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo munaasabadda daahfuray ayaa tilmaamay inay wadaan dadaalo iyo sharciyo lagu horumarinayo beeraha si uu dalkeenu u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhammeystiran.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi sheekh Cali (Qaloocow) ayaa ku taliyey in beeraha la tabcado Lagana faa’iideysto aqoonta aqoonyahanada iyo qubaradii hore ee dalka.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa beeraleyda soomaaliyeed ku dhiiri geliyey inay kordhiyaan wax soo saarkooda si looga maarmo Cuntooyinka dalka dibadiisa laga keeno.

Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay shaqsiyaad ay Wasaaraddu u aragtay inay qeyb ka qaateen horumarinta beeraha iyo wax soo saarka dalka.

Sawiro.





FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com