Yemen oo soo Riday Daroon Kale oo Maraykan oo ah Nooc Cusub

Yemen oo soo Riday Daroon Kale oo Maraykan oo ah Nooc Cusub

Nooc cusub oo diyaaradaha daroonta nooca loo yaqaan ‘Giant Shark F360 VTOL’ ayaa Yaman soo riday saacadihii la soo dhaafay. Waa daroontii 18aad ee laga soo rido Maraykanka, waxaana muuqaata sansaan in noocii qaaliga ahaa ee MQ-9 Reaper ay sii dhammaanayaan. Tan iyo biloowgii dagaalka Gaza ee Aktoobar 2023, Yaman waxay soo riday 17 daroon oo nooca MQ-9 Reaper.

Sida Daljir hore u soo warisay, jaraa’idka Mareykanka ee The New York Times ayaa shalay qoray in Mareykanku khasaare xoog leh kala kulmay dagaalka Yaman oo kharashka billaha ee Yaman uu hadda kor u dhaafay bishii $1 bilyan USD. Militariga Mareykanka ayaa sheegay in miisaniyaddii dagaalka Yaman ay ka idlaatay haddana loo baahanyahay miisaaniyad cusub.

Mar dhow la soco duqeymo aargoosi ah oo Mareykanku u gaystay shacab Yamaniyiin oo meel bannaan ku shiraya iyo Trump oo ku faanaya shacabka uu laayey.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com