Zelensky oo Diiday in uu Saxiixo in Mareykanku Leeyahay Deyn Dhan $500 oo Bilyan USD

Zelensky oo Diiday in uu Saxiixo in Mareykanku Leeyahay Deyn Dhan $500 oo Bilyan USD

Waxaa isa soo taraya khilaaf xooggan oo u dhexeeya Mareykanka iyo Ukraine, siiba Trump iyo Zelensky (arag warkii hore ee Daljir oo riix linkigaan (https://www.facebook.com/share/p/1XJrM8xJB4/).

Trump wuxuu leeyahay Ukraine ha saxiixdo in lagu leeyahay $500 oo bilyan oo deyn ah, hana soo wareejiso dhammaan macdanta, shidaalka iyo dekedaha iyo wixii kheyraad ah oo kale oo dhulka hoostiisa ku jira. Zelensky oo la rabay in uu maanta heshiiska saxiixo waa uu diiday, waxa uuna ku jawaabay, “Deyn Mareykan ma aynaan qaadan ee Biden baa caawimo na siiyey.”

Intaas kuma aamusin Zelensky e waxa uu ku daray, “Haddii Mareykanku rabo in aan iscaliso waa iscasilayaa, laakiin waa in marka hore Ukraine lagu soo daro gaashaanbuurta NATO.”

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Laba kala bariday kala war la’!” Trump oo haatan khaati ka taagan Zelensky ayaa jawaabtiisa la sugayaa.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com