Turkiga oo Xayiraad dhanka Fiisaha ku soo rogay dalal ay Soomaaliya ku jirto

HomeWararka

Turkiga oo Xayiraad dhanka Fiisaha ku soo rogay dalal ay Soomaaliya ku jirto

Laga bilaabo bishan April 15-da ee sanadkan 2024-ka waxay Dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa Sharci culus oo lagu soo rogay Dhoofayaasha Transit k

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Khayre oo Kormeer ku tagay Xarumaha Ciidanka Booliska Somaliyeed (Sawiro)
Odayaaasha Beledxaawo oo sheegay inay dowladda Kenya kadiideen darbiga ay ku kala qaybinayso deegaankooda (dhegayso)

Laga bilaabo bishan April 15-da ee sanadkan 2024-ka waxay Dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa Sharci culus oo lagu soo rogay Dhoofayaasha Transit ku ah Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Dowladda Türkiye ayaa qaadatay Sharciga Cusub, si looga hortago Muhaajiriinta an caadiga ahayn ee ku sii qulqulayo dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan Xuduudaha Maraykanka.

Shabakadda Wararka ee VisaGuide.World ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday Ubucda Waddan Transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee Caalamka.

Sharcigan Cusub waxa uu saamaynayaa Dhoofayaasha Transit-ka ku sii mara Garoonka diyaaradaha Istanbul ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Muwaadiniinta dalalka Somalia, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee Transit-ka ku sii marayo Garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan Fiisaha Elektoroonikada ee Transit-ka Garoonka .

Ilo-wareedyo Diblomaasiyadeed ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Türkiye soo dhamaystirtay dhamaan Diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista Codsiga Elektoroonikada ee Fiisaha Transit-ka ee Garoonka (e-HTV), si loogu dabaqo Sharciga Fiisaha Transit-ka ee Garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-da.

Si kastaba, waxaa sii kordhayo tirada Muhaajiriinta sharci-darrada ee ka si ay u gaaraan Waqooyiga America.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: