Degaanka Markad ee Calmadow nin hubaysan ayaa ku dilay hooyo uur leh iyo wiil ay dhashay oo siddeed jir ahaa. Siciid Axmed Maxamed oo ah aabbaha qo
Degaanka Markad ee Calmadow nin hubaysan ayaa ku dilay hooyo uur leh iyo wiil ay dhashay oo siddeed jir ahaa.
Siciid Axmed Maxamed oo ah aabbaha qoyska ayaa Daljir u sheegay in ninka xaaskiisa iyo wiilka dilay uu xalay reerka marti ahaan ugu hoyday, maantana uu guriga u hargalay, hargal kabacdina uu falka dilka ah gaystay.
Sida uu odayga reerku Daljir u sheegay ma ay jirin wax xiriir colaadeed oo labada nin ama labada reer ka dhexeeyey.
Daljir kala soco waraysi wacaalkan.
> Daljir Media
COMMENTS