115 Soomaali oo ka Badbaadey Duqeyntii Diyaaradaha Sacuudiga oo Dib loo soo Celinayo (dhegayso)

115 Soomaali oo ka Badbaadey Duqeyntii Diyaaradaha Sacuudiga oo Dib loo soo Celinayo (dhegayso)

Dhibbanayaashii Soomaalida ee ka badbaaday doonidii lagu duqeeyay xeebaha dalka Yamen kuwaas oo gaarayay 115 oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa laga saaray xabsigii ay ku jireen waxaana loo qaaday magaalada Cadan.

Dadkan dib loo celinaayo ayaa isugu jira dad qaba dhaawacyo halis aha iyo kuwo ku naafoobay, una baahan daryeel iyo daaweyn degdeg ah.

Dhalinyaradan ayaa ku jirtay xabsiyada Yemen muddo ku siman 4 bilood, waxaana dhawaan la filayaa in ay ka soo degaan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Dadkaan ayaa waxaa duqeeyey diyaaradaha helikobterada ee loo yaqaan Apache ee xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxayna dileen Soomaali lagu qiyaasay in ay kor u dhaafeen 40 muhaajiriin ah.

Wariye Xasan Heykal ayaa warbixinta inoo haya.

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0