Tacaddi kasta oo loo geysto qof iyada oo lagu colaadinayo ama lagu dhibaataynayo nooca jinsigiisa waxaa loo yaqaan GBV. Dumarka iyo caruurta ayaa ah dhibbanayaasha ugu badan ee la kulma tacaddiyada Jinsiga ku salaysan, sidoo kale ragga ayaa noqon kara dhibannayaal tacaddi jinsi.
Noocyada tacaddiyada jinsiga ku salaysan waxaa ka mid ah:
- In qofka loogaysto tacaddi galmo sida kufsi, iskuday kufsi, taabasho iyo falkasta oo khasbid la xiriira
- In qofka loo gaysto dhibaato jireed sida in la garaaco iyada oo la adeegsanayo gacan ama hub
- In qofka loo gaysto waxyeello nafsi ah sida in la quursado laguna dhalleeceeyo jinsigiisa
- In qofka dhaqaale ahaan loo cunaqabateeyo ama laga hor istaago fursad uu noloshiisa horumar uga gaari lahaa sida shaqada iyo waxbarashada
- Guurka khasabka ah, FGM, tacaddiyada ka dhaca guryaha iyo in haweenka la khashkhashaado marka ay jidka marayaan.
Tacaddiyada Jinsiga ku salaysan waa nooc ka mid ah xadgudubyada ay diinteenu mamnuucday, wuxuuna ka soo horjeedaa xuquuqda aadanaha. Aan si wadajir ah ugu istaagno joojinta tacaddiyada. Cod dheer ku diid tacadiyada haweenka ka dhanka ah.
Sidee loo caawiyaa Dhibbanaha:
Haddii aad tahay dhibbane kufsi ama dhaawac kaa soo gaadhay tacadi galmo la xidhiidha sida ugu dhakhsaha baddan xarunta caafimaad ee kuugu dhaw si inta ay goori goor tahay lagaaga daweeyo cudurada galmada lagu kala qaado sida HIV.
Tacadiga loo geysto ruux haween ahi waxa uu ka dhigan yahay tacadi loo geystay hooyadaa, walaashaa ama inantaada oo kale. Ha qarin dhacdo kasta oo tacadi ku salaysan jinsi aad aragto. Jooji oo wargeli xarumaha talosiinta iyo daryeelka dhibbanayaasha tacaddiyada la xiriira jinsiga.
Haddii aad u cabsatid badqabka naftaada wargeli laamaha amniga. Caruurta waa ay ku adagtahay in ay sheegaan in la dhibaateeyo fadlan waalid ama masuul adiga ayay masuuliyadi kaa saarantahay ee mar walba ka warqab si ay kuugu xog warramaan.


COMMENTS