Xaalka Bariga Dhexe oo Meel Daran ka Deganaya Qoraalkii Trump Kabacdi

Xaalka Bariga Dhexe oo Meel Daran ka Deganaya Qoraalkii Trump Kabacdi

Xaalka Bariga Dhexe oo Meel Daran ka Deganaya Qoraalkii Trump Kabacdi

Iran waxa ay xalay duqeyn daran u gaystay labada magaalo ee kala Dimona oo ah xarunta nukliyeerka Israal iyo Arad. Iran waxay labadaas meelood oo lagu sheegay xarumo muhiim u ah Israal ku kala dhufatay laba gantaal oo la sheegay in ay gaysteen khasaare aad u ballaaran oo dhimasho iyo dhaawac wata, ahna kuwo aysan Israal hore u arag. Saacado kabacdi Trump waxa uu bartiisa soo dhigay qoraal haddii uu ka dhabeeyo badi Bariga Dhexe ka dhigaya goob laga guuro.

Trump wuxuu soo qoray, “Haddii Iran aysan si buuxda u furin, hanjabaad la’aan, Marinka Hormuus muddo 48 SAAC gudahood ah laga bilaabo waqti xaadirkan, Dowladda Mareykanku waxay bilaabi doontaa in ay garaacdo oo burburiso tamarta korontada dalka oo dhan, annaga oo ka bilaabayna xarunta ugu baaxad weyn.”
Iran waxay isla markiiba Trump ugu jawaabtay, “Haddii kaabeyaasha shidaalka iyo tamarta Iran la soo weeraro, Iran waxay bartilmaameed ka dhigan doontaa dhammaan kaabeyaasha tamarta, nidaamyada tiknoolajiyada, iyo warshadaha biyaha ee milix‑bixinta ee Maraykanka iyo xulafadiisa ee gobolka oo dhan.”

Haddii weeraro noocaas ah ay dhacaan dalka ugu khasaare yar wuxuu noqonayaa Iran oo shacabku koronto la’aan waa noolaan karaan, biyahana 90% iyo ka badan Iran waxa u heshaa si dabiici ah; laakiin Israal iyo dalalka Khaliijka biyahooda celcelis ahaan in ka badan 80% waxay ka helaan warshadaha milix-bixinta (Water Desalination Plants), kaydka biyahana waxaa lagu sheegaa celcelis ahaan 3 asbuuc oo biyo ah. Waddamada qaar waxaa la sheegaa in ay haystaan kayd biyood bil illaa laba bilood. Haddii Khaliijka iyo Israal ay noqdaan biyo la’aan qof walba waa qiyaasi karaa waxa xiga.

Shaki kuma jiro in adduunku kal hore u jihaystay dhaqaale burbur baahsan, laakiin ayada oo aan la gaarin in nukliyeer la isku garaaco baa waxaa suurtagal ah in dalal badan maabka laga waayo gaajo iyo harraad dartood.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com