Garoowe, 29 Maarso 2026 – Madaxa Waaxda Soo-saarka ee Xafiiska Warbaahinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Puntland ayaa ka qayb-galay kulanka Guddonka Golaha Wakiillada Puntland iyo hawl-wadeennada Baarlamaanka, kaas oo looga hadlay habsami u socodka shaqada Golaha iyo dardargelinta hawlaha horyaalla Baarlamaanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsheynta hawlaha Golaha, isku-duwidda shaqooyinka waaxyaha kala duwan, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Guddonka Golaha iyo hawl-wadeennada Baarlamaanka si loo hubiyo fulinta waajibaadka Golaha.
Intii uu kulanku socday, waxaa la falanqeeyey horumarinta adeegyada maamulka, warbaahinta iyo isgaarsiinta, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in shacabka si joogto ah loogu gudbiyo wararka iyo howlaha Golaha Wakiillada Puntland.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo talooyin lagu xoojinayo hufnaanta shaqada, kor u qaadista waxqabadka hawl-wadeennada, iyo dardargelinta adeegyada loo hayo Golaha iyo shacabka Puntland.






COMMENTS
3eci0r