Ciidamada daacada u ah Cabdicasiis Laftagareen oo sheeganaya Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay weerar kuqaaday fadhiisimaha Ciidamada DFS ee kusugan gudaha magaalada.
Dagaalka oo saaco socdo wali waxaa dhawaaqa rasaasta iyo hubka culus laga maqlayaa xaafadaha magaalada.
Afhayeenka Cabdicasiis Laftagareen ugaas Xasan ayaa isaga oo siduu sheegay kusugan gudaha Baydhabo ugu baaqay inay isasoo dhiibaan cidii qori wadata oo an ahayn Ciidamada Daraawiishta KGS.
Madaafiicda culus ayaa dagaalka la isu adeegsaday waxaana jira qasaara badan oo gaadhay rayidka sida guryo uu kudhacay hubka culus goobo ganacsi iyo dad rayid ah oo ku waxyeeloobay.
Waxaa socda qaxa dadweynaha ee xaafadaha qaar.
Halkaan kala soco wixii Baydhabo ka soo kordha.
Daljir Media


COMMENTS