Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo sannadkan kaalinta ugu horreysa ka galay Imtixaankii Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka.
Ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay Hooyo Safiya, dalaalka iyo halganka ay u gashay barbaarinta wiilkeeda, isaga oo ku tilmaamay in ay kaalinta kowaad u gashay Hooyooyinka Soomaaliyeed, halka wiilkeedu uu kaalinta kowaad u galay ardayda Soomaaliyeed, taasi oo ku timid juhdiga hooyo Safiya iyo dadaalka ay galisay waxbarashadiisa.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in dadaalka iyo waxbaridda carruurta ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda Soomaaliya, taasi oo la doonayo in dadkeenna ay gaaraan isbeddel ku salaysan aqoonta iyo xirfadaha la barayo dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Haddii tartan la galo in la guuleysto wax sahlan maha, runtii wax aad halkaas ku gaartay dadaalka iyo halganka aad muujisay iyo barbaarinta Hooyo Safiya, waxa aan hubaa in dad badan oo kaa fursad badan maanta aad kaalinta kowaad uga horeysay taasi waxa ay cadeynasa sida ay waalidku ugu dadallaan ubadka”.Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.


COMMENTS