Iiraan oo sheegtay inay Mareykanka kuqasabtay inuu aqbalo Shuruudaheeda.

Iiraan oo sheegtay inay Mareykanka kuqasabtay inuu aqbalo Shuruudaheeda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa xaqiijisay guul muhiim ah oo ka soo hoyatay dhinacyada militariga iyo diblomaasiyadda, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in xoogga militariga Iiraan uu ahaa qodobka ugu muhiimsan ee lagu gaadhay in la aqbalo shuruudaha dowlada iran wadatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Cabaas Araqchi ayaa sheegay in heshiiska is-afgaradka ee lala saxiixday Washington uu ku jiray 13 qodob oo Iiraan uhiilinaya halka hal qodob oo keliya oo uu janjeeray dhinaca Mareykanka, isagoo xusay in Isr***l ay dadaal xooggan ku bixisay sidii ay u fashilin lahayd heshiiskaas una hor istaagi lahayd hirgelintiisa.

Wasiir Cabaas ayaa wuxuu intaas ku daray, intii uu khudbad ka jeedinayay Magaalada Tixraan ee Caasimada dalkaas Maanta oo talaada ahayd in dagaalka Iiraan iyo Mareykanka uu taariikhda kuqormay kadib markii Washington ay ku guuldareysatay inay gaarto ujeeddooyinkeeda oo ahaa inay hoos u dhigto Jamhuuriyada islaamiga ah ee iran, Taasi waxaay sababtay in maanta maamulka Mareykanku uu hadda ka baryayo wadahadallo ku saabsan shuruudaha Iiraan iyo sidii loo furi lahaa Marin biyoodka Ganacsiga dunida muhiimka u ah ee Hormuz oo iran ay awood ku maamusho hada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sharraxay sida diblomaasiyadda iyo ficillada milatari ay isu dhammaystiraan, diblomaasiyadda waxay ku shaqeysaa awood, Awooduna waa mida dhulka taala ee dalka lee yahay oo ah awooda militry taas oo go’aamisa guulaha la gaaray iyo sidii loo xoojin lahaa ayuu yidhi wasiir cabaas.

Wasiirka ayaa Wuxuu carabka ku adkeeyay in guushan diblomaasiyadeed aysan ahayn mid hal qof ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda ah oo keliya, laakiin ay tahay guul usoo hoyatay dhammaan dadka Iiraan oo ay tahay natiijada kasoo baxday iska caabintooda oo ku qasabtay cadowga inuu aqbalo dalabaadka dowlada islaamiga ah Iiraan.

Daljir Media | Mohamed Koronto

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com