Shirka qiimaynta waxqabadka saraakiisha Ciidanka Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa maanta ka furmay Kulliyadda Booliska DDS.
Shirka ayaa waxaa furay Komishineerka Komishinka Booliska DDS, Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad ayadoo lagu qiimaynayey waxqabadka Ciidanka Booliska ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo sidii loo sii xoojin lahaa waajibaadka shaqo ee Booliska.
Shirka ayaa intii socday lagu soo bandhigay warbixinnada waxqabadka saraakiisha Booliska Deegaanka Soomaalida, ayadoo qiimayntani ahayd nidaamka isla-xisaabtanka Ciidanka laguna eegayo guulihii laga gaadhay shaqada, caqabadaha iyo meelaha u baahan sixitaanka.

> Daljir Media | Wariye Jamarti





COMMENTS