Xiisada Turkiga iyo isr***l ayaa umuuqata mid colaadeed waloow an dhab loo qaadan karin wali ficilada labada dhinac oo la tuhunsan yahay in qorsho siyaasadeed ka leeyihiin hadalada adag iyo duqeymaha saldhiga suuriya kuyaala ee Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa soo saartay amar ah in lasoo qabta Reysal Wasaaraha Yhda ee Netanyahu.
Turkiga ayaa markii ugu horeysay luuqad adag kusheegay in Netanyahu uu yahay dambiile galay xad gudub iyo gabood falo ka dhan ah arrimaha bani’aadanimada.
Maalin ka hor isr**l ayaa duqeysay saldhiga Turkiga kuleeyahay Suuriya kaas oo xadka Turkiga ujira masaafo 75 KM ah.
Marka laga hadlayo xidhiidhada Turkiga iyo isr***l Erdoğan waxaa loo arkaa inuu yahay wiil ay soo saaratay YHDA oo u adeega, Erdoğan wuxuu booqday Isr***l iyaga oo wada socda isaga iyo Netanyahu waxaay tageen beytul maqdis qudus oo ay Yhda u aragto inay iyada leedahay.
Wuxuu Erdoğan booqday qabriga ninkii lahaa asaaska dowladda Yhda iyo in dhulkaas laga barakiciya dadkii lahaa ee reer Falastiin taas oo kadhigan in dhulkaas uu Erdoğan uqiray inay Yhda leedahay.
Turkiga oo loo tiriyo inuu yahay dal muslim ah iyada oo laga tixraacaya Taariikhda faca weyn ee ay muslimiinta ku leeyihiin dhulkaas hadana waxaa marwalba lafilan kara ayaa ah in Yhda ay ka go’an tahay in dalkaas la burburiyo sikastaa oo colaad loogu abuuri karana lasameeyo si saameyntiisa ay meesha ugu baxda.
Intii uu socday dagaalkii iran ee sanadkii hore iyo kan aynu kujirno waxa falanqeeyayaasha arrimaha Bariga dhexe kusoo celcelinayeen ayaa ahaa hadii iran lagaga guuleysta dagaalka in Turkiga uu yahay dalka xiga ee islaam ah ee ay Yhda qorsheynaysa inay meesha ka saarta.
Turkiga mudadii dheerayd ee la gumaadayay dadka reer Falastiin marna kuma dhiiran inuu kudhawaaqa hadalada adag ee maanta uu kuhadlay oo ah in Netanyahu uu geystay gabood-fallo, hadaba tani Maloo qaadan karaa in Turkiga iyo isr***l kadhex bilaabatay colaad dhab ah oo an dalalka muslimiinta loo Been guureyn ?
Nala wadaag aragtidaada.
Daljir Media | Mohamed Koronto


COMMENTS