Magaalada Marka oo ay la wareegeen maleeshiyo sheegtay inay yihiin maamul cusub oo la magacbaxay Koonfur Bari
Sida ay sheegayaan xogaha aan hafda ka helnay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose maleeshiya hubeysan ayaa la wareegay magaalada Marko oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Maleeshiyadan oo ah dadka deegaanka ayaa dajiyay calankii Soomaaliya iyo kii Maamulka KGS waxayna ku badaleen calan kale oo ah kan ay sameysteen ee maamulka ay ku sheegeen Koonfurta Bari.
Dhowaanahaan waxaa koonfurta Soomaaliya ka socday dhaqdhaqaaq aan xoog badnayn oo lagu doonaya in Shabeellaha Hoose looga yagleelo maamul loogu magacdaray Koonfur Bari Soomaaliya.
Saas oo ay tahay, dajinta calanka Soomaaliya ayaa keenay shaki badan.
> Daljir Media


COMMENTS