Madaxweyne deni oo kormeeray Maxjarka dhoofinta iyo naxiinta xoolaha ee Buubi

Madaxweyne deni oo kormeeray Maxjarka dhoofinta iyo naxiinta xoolaha ee Buubi

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Maxjarka Dhoofinta iyo Naaxinta Xoolaha ee Somali Livestock Quarantine and Inspection Center, oo laga dhisayo deegaanka Buubi, Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay qaybaha kala duwan ee maxjarka iyo halka ay marayso shaqada dhismuhu oo weli socota. Maxjarkan ayaa marka uu Howlgalo xoojin doona adeegyada caafimaadka iyo daryeelka Xoolaha, waxaana uu sidoo kale fursad shaqo abuur u noqonayaa dhallinyarada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdillahi Deni ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgelinaysa mashruuca, isaga oo caddeeyey in Dowladda Puntland ay dhiirrigelinayso maalgashiga iyo mashaariicda wax-ku-oolka u ah bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com