Rasaas Xoogan ah iyo qaraxyo ayaa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah caasimadda Niger ee Niamey, subaxnimadii hore ee Saakay.
wararka ayaa sheegaya in la weeraray Meelo muhiim ah sida madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo saldhigyo ciidan.
Waa markii 3aad oo weeraro noocaan oo kale lagu qaada dalkaas gaar ahaan garoonka diyaaradaha iyo saldhigyo ciidan sanadkan dalkan oo uu hogaamiyo militari xukunka ku qabsatay afgambi sannadkii 2023 .
Bana Wagana Ibrahim, oo ah xubin ka tirsan Xafiiska Golaha Wadatashiga ee Niger iyo ku-xigeenka Baarlamaanka Isbahaysiga Gobollada Sahel (AES), ayaa Facebook ku qoray in weerarada lagu bartilmaameedsaday saldhigga cirka ee militariga, oo loo yaqaan Saldhigga 101, laakiin ciidamada ammaanku ay dib u qabsadeen markii damba.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in weerarkaan ay ka dambeeyaan kooxaha argagaxisada balse majirto ilo dowladda Niger ah oo cadeeyay hasayeeshaa dalkaas waxaa dagaal ba’an kuhaya kooxaha argagxisada taas oo marar badan sheegatay weeraro ay ka fuliyeen dalkaas taas oo weerarka maanta kadhigeysa inay dalkaas awood kuleeyihiin kooxahaan.
Daljir Media


COMMENTS