WAKAALADDA HORUMARINTA DHINAWDA (DDA)
DHINOWDA DEVELOPMENT AGENCY
BAYAANKA AASAASKA WAKAALADDA HORUMARINTA DHINAWDA (DDA)
Taariikh: 29 Agoosto 2026
Goobta: Dhinowda, Gobolka Mudug, Puntland, Soomaaliya
Kadib booqashadii uu magaalada Dhinowda ku tagay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa si weyn indhaha caalamka loogu soo bandhigay xaaladda adag ee deegaanka iyo dhibaatada baaxadda weyn ee uu bacaadku ku hayo magaalada iyo dadka ku nool.
Dhibaatada bacaadka iyo nabaad-guurka dhulku waxay gaartay heer ay halis geliso guryaha, waddooyinka, deegaanka, nolosha bulshada iyo mustaqbalka magaalada Dhinowda. Magaalo iyo ilbaxnimo muddo dheer soo jirtay ayaa maanta wajahaysa xaalad u baahan in si degdeg ah oo wadajir ah wax looga qabto.
Haddaba, annaga oo ka duulayna waxa ay indhaheennu qabteen iyo xaaladda dhabta ah ee deegaanka, waxaan go’aansannay inaan qaadno tallaabo wax-ku-ool ah oo looga hortagayo dhibaatada bacaadka, loona badbaadinayo deegaanka, bulshada iyo mustaqbalka Dhinowda.
Sidaas darteed, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa aas-aaska:
WAKAALADDA HORUMARINTA DHINOWDA (DDA)
Wakaaladdu waxay ka shaqayn doontaa horumarinta deegaanka iyo dhaqaalaha bulshada, iyadoo mudnaanta siinaysa hawlaha soo socda:
Hadafyada iyo Hawlaha DDA
1. Ka hortagga bacaadka iyo nabaad-guurka dhulka.
2. Abuurista deegaan cagaaran iyo beerista dhirta ku habboon deegaanka.
3. Wacyigelinta iyo abaabulka bulshada si ay uga qaybqaataan badbaadinta deegaanka.
4. Horumarinta waxbarashada iyo fursadaha waxbarasho ee bulshada.
5. Dhiirrigelinta maalgashiga khayraadka badda iyo horumarinta dhaqaalaha la xiriira badda.
6. Horumarinta dhaqaalaha deegaanka iyo abuurista fursado shaqo oo waara.
7. Dhisidda iskaashi dhex mara bulshada, dowladda, hay’adaha samafalka, shirkadaha iyo maalgeliyeyaasha.
BAAQ BULSHO IYO TAAGEERO
Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Dhinowda ee ku kala nool gudaha iyo dibadda dalka, inay gacan naga siiyaan sidii loo gaari lahaa hadafyada muhiimka ah ee kor ku xusan.
Waxaan si gaar ah ugu baaqaynaa:
* Dowladda Puntland
* Hay’adaha gargaarka iyo horumarinta
* Shirkadaha Soomaaliyeed
* Ganacsatada iyo maalgeliyeyaasha
* Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda
* Dhammaan dadka reer Dhinowda
inay naga taageeraan dadaalka lagu badbaadinayo magaalada Dhinowda iyo deegaanka ku xeeran.
Dhinowda waa gurigeenna — badbaadinteeduna waa mas’uuliyaddeenna wadajirka ah.
Waxaan aaminsannahay in haddii aan maanta si wadajir ah u dhaqaaqno, aan awood u yeelan karno inaan ka hortagno fiditaanka bacaadka, dib u soo celinno deegaanka cagaaran, abuurno fursado dhaqaale iyo shaqo, isla markaana u dhisno jiilasha soo socda mustaqbal ka wanaagsan.
DDA waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso cid kasta oo doonaysa inay qayb ka noqoto badbaadinta iyo horumarinta Dhinowda.
Waad mahadsan tihiin.
Abdirizak Mohamed
Chairman / Founder
Dhinowda Development Agency (DDA)
Dhinowda, Gobolka Mudug, Puntland, Soomaaliya


COMMENTS