Iran oo midnimada Muslimiinta Kudhawaaqday lana hadashay Hogaamiyeyaasha Carabta.

Iran oo midnimada Muslimiinta Kudhawaaqday lana hadashay Hogaamiyeyaasha Carabta.

Hogaamiyaha Sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa ku booriyay wadamada Islaamka gaar ahaan kuwa ku yaalla Gacanka Carabta, inay midoobaan si ay uga hortagaan waxa uu ugu yeeray cadowgooda dhabta ah wuxuuna sheegay in kala qaybsanaanta ka dhex jirta Muslimiinta ay u adeegayso danaha cadawgooda.

Farriintan uu soo diray hogaamiyaha iran ayaa lagu daabacay Barta Telegram-ka ee Khamenei iyada oo lagu soo beegay munaasabadda Toddobaadka Midnimada Islaamka, taas oo lagu xuso dhalashada Nebi Maxamed kana qabsoontay Caasimada iran xalay.

Fariintan uu soo diray Mojtaba Khamenei ayaa ku baaqaysay midnimada Muslimiinta, iskaashi dhinacyo badan leh, iyo difaac wadajir ah, iyadoo sheegaysa in qof kasta oo abuura kala qaybsanaan ka dhex jirta Muslimiinta si ula kac ah ama si aan ula kac ahayn uu caawinayo cadawga Islaamka.

Fariinta Hogaamiyaha Iran ayaa waxay cadeysay in Falastiiniyiinta Aanay ku jiri lahayn xaalad go’doon iyo gargaar la’aan haddii Muslimiintu ay midoobi lahaayeen.

Hogaamiyaha Jamhuuriyada iran Mojtaba Khamenei sooma muuqan tan iyo markii aabahiis lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Isr***l lix bilood ka hor kuwaas oo horseeday dagaalka Iiraan.
Baaqiisa ku aaddan midnimada umada muslimiinta ayaa la mid ah hadal uu Jimcihii u jeediyay dadka reer Iiraan, markaas oo uu sheegay inuu mamnuucay falalka wax u dhimaya midnimada bulshada, wuxuuna ku booriyay mas’uuliyiinta inay ka fogaadaan hadallada niyad-jabka ah ee daciifinaya niyadda halganka qaranka iyo tan dadweynaha.

Mojtaba Khamenei ayaa fariintiisa kuxusay hoggaamiyeyaasha Carabta isaga oo usheegay in kooxo shar-wadayaal ah ay awoodeen inay ku dhiiradan inay damcaan dhulkooda iyo hantidooda, haddii dadka iyo dowladaha Muslimka ku midoobi lahaayeen calanka Islaamka.

Hogaamiyaha Iran ayaa xusay in wadada kaliya ee dhamaan muslimiinta ay ugu hortagi karaan gardarada cadawga ay tahay in la midooba.
Mojtaba Khamenei ayaa Hogaamiyeyaasha Carabta ku adkeeyay inaay ka hoos baxaan Reer Galbeedka iyo YHDA una soo jeestaan in muslimiinta midoobaan.

Hogaamiyeyaasha Carabta oo ay fariintaan si gaar ah ugu socota Maku dhiiran doonaan inaay Midoobaan?

Soomaaliya oo kamida muslimiinta uu la hadlay Hogaamiyaha Iran suurtogal ma tahay in Reer galbeedka ay ka hoos baxda kana maaranta Gacantooda quudisa kuna dhiiradaan madaxda dalka inay kudhawaaqaan midnimada muslimiinta ?

Nala wadaag aragtidaada.

Daljir Media | Mohamed Koronto

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com