Wasaaradda Beeraha Puntland oo soo bandhigtay waxsosaarka Beeraha Puntland

Wasaaradda Beeraha Puntland oo soo bandhigtay waxsosaarka Beeraha Puntland

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland, ayaa qabatay Bandhigga 1aad ee Waxsoosaarka Timirta Puntland, kaas oo lagu soo bandhigayo timirta ka baxda gudaha Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa daahfuray bandhigga, waxaana ka qaybgalaya heerarka kala duwan ee Dowladda, hay’adaha, ganacsatada, iskaashatooyinka timirta ee gobollada Puntland iyo marti sharaf kala duwan.

Bandhigga oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa kobcinta waxsoosaarka timirta, dhiirrigelinta beeralayda iyo horumarinta suuqyada waxsoosaarka gudaha Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com