Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa magaalada Garoowe ka daahfurtay shir looga hadlayay aasaaska iskaashi u dhexeeya bulshada, dowladaha hoose iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo xoojiyo adeeg-daadejinta iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe, Guddiga Horumarinta Degmada Garoowe, madaxda heer gobol ee shirkadaha isgaarsiinta, hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, hawlwadeennada Dowladda Hoose, iyo wakiillo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Tamarta iyo Biyaha, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Qorshaynta.
Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ahayd in la soo bandhigo adeegyada aasaasiga ah ee ay Dowladda Hoose ee Garoowe bixiso, gaar ahaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka aasaasiga ah, iyo sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale oo waara oo lagu horumarin karo adeegyadaas iyo warbixinta Xarumihii Waxbarashada iyo Caafimaadka ee lagu wareejiyey Dawladda Hoose ee Degmada Garowe.
Sidoo kale, shirka waxaa si gaar ah looga hadlay waxtarka iyo kaalinta $2-da doollar ee laga qaado shirkadaha biyaha iyo korontada, taas oo ay ururiyqan Guddiga Horumarinta Dowladda Hoose, looguna talagalay taageeridda iyo maalgelinta adeegyada horumarineed ee degmada gaar ahaan kaabayaasha dhawaalaha oo ay ugu horeeyaan dhismaha waddooyinka Caasimadda.
Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in la balaariyo nidaamka maalgelinta adeegyada bulshada, iyadoo la soo kordhinayo $1 doollar oo laga qaado shirkadaha bixiya adeegyada Internet-ka, kaas oo lagu dari doono ilaha dhaqaale ee Guddiga Horumarinta Degmada, si loogu maalgeliyo loona xoojiyo adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana shirarkaan laga qaban doonaa Degmooyinka Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaaso, kadibna waxaa la isugu imaan doonaa Garowe si loo dhamaystiro qorsheyaasha maalgelinta Dawladaha Hoose.
Hindisahan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay (Public-Private Partnership), si kor loogu qaadayo awoodda maaliyadeed ee dowladaha hoose, isla markaana loo abuurayo hannaan waara oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Hoose, bulshada iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo la hubinayo in dhaqaalaha laga helo iskaashiyada noocan ah si hufan loogu maalgaliyo baahiyaha mudnaanta u leh bulshada.





COMMENTS