Ciidamada Militry-ga Yemen gaar ahaan garabka Ansar-Allah ayaa abaabuleysa guluf dagaal oo xoogan oo ay ku qaadeysa Magaalada Cadan oo ah caasimadda 2aad ee dalka Yemen iyo mida ugu istiraatiijiyadsan gacanka.
Magaalada Cadan oo dhacda Koonfurta Yaman waxaa kusugan Garabka dowladda Sucuudiga hogaaminayo halkaas oo horay looga adkaaday garabkii gooni-goosadka ahaa ee Koonfurta Yaman oo imaaraadka uu taageerayay.
Inkastoo duqeymo xoogan oo cirka ah ay Sucuudiga kuwadaan ciidamadii la wareegay aaga makha si anay ugu gudbin dhanka cadan iyo koonfurta Ansar-Allah haddii ay gaadhaan Cadan waxaay ka dhignaaneysaa in Sidaasi Yemen gacantooda kuwada gashay, waxaa kaliya udhinaaneysa waa inay la wareegaan magaalada Mukalla oo iyadu istiraatiijiyad muhiim ah leh.
Kadibna waxa uhadhaya waa qaybo kamida Gobolada dhexe oo ah dhulka kheyraadka ugu badan Yemen uu kujiro sida shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Mukalla waxaay toos ugu xidhan tahay magaalada Boosaaso ee Puntland.
Halka Cadan ay toos ugu xidhan tahay Berbera.
Ansar-Allah muhiimadooda koowad waa inay gacanta kudhigaan dhamaan mandiqadaha kuhareereysan gacanka baabul mandab iyo dhamaan dekadaha dalkaas.
Daljir Media | Mohamed Koronto


COMMENTS