Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo oo dedaal ugu jiray aqoonsi raadinta Somaliland kuna sugnaa Mareykanka si loola kulansiiyo Trump oo uu doonayay inuu bandhiga aqoon inuu siiyo ayaa kuguul dareystay suurtagalinta arrinkaas.
Machadka Hudson oo uu qudbad ka jeediyay Cirro ayaa duray dooda Aqoonsi raadinta ee Cabdiraxmaan Cirro.
Joshua Meservey oo ah madax ka tirsan Machadka Hudsan oo ahna ninkii waraystay Cabdiraxmaan Cirro ayaa si cad u sheegay dooda Somaliland la imaaday Washington inay ahayn dood maangal ah oo mareykanka ka gadmi karta taas oo suurtagal ka dhigi karta aqoonsi ama inay Madaxweynaha Mareykanka lakulmaan.
Ujeedada guud ayaa ah inaan lagu qancin sababaha aqoonsiga ay udooneysa Somaliland, Siyaasiyiinta mareykan ah iyo Machadka Hudsan ayaa si weyn udhaliilay sida su’aalaha la xidhiidhay aqoonsi raadinta, istaatijiyada dhuleed, deriska iyo arrimo kaloo badan uusan si hufan ugu jawaabin Cabdiraxmaan Cirro.
Somaliland ayaa meesha la tagtay dood ahayd in koonfurta Soomaaliya ay fashilantay mudo 35 sanno ah ayna lahayn Amni, nidaam iyo kala dambeyn taasi awgeedna ay uqalanta Somaliland in iyada aduunka la macaamilo oo ay dal noqoto. Cabdiraxmaan Cirro ayaa doodiisa waxaa ka mid ahayd in Somaliland ay haysata Amni iyo xasilooni taas oo an koonfurta kajirin.
Cabdiraxmaan cirro ayaa mareykanka ubandhigay inuu gurto macdanta Somaliland, maalgashada Dekedaha, isaga oo sheegay in Garoonka Berbera loogu magac dari doono Trump balse intaas oo dhan mareykanka kama gadmin.
Mohamed Koronto | Daljir Media


COMMENTS