Warbaahinta dowladda Iran ayaa Maanta sheegtay in Mareykanku uu diiday inuu fiisooyin siiyo xubno ka tirsan wafdiga Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian oo ay ku jiraan kooxda dhanka isgaarsiinta qaabilsan kuwaas oo kaqaybgali lahaa Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Pezeshkian ayaa noqon doona mas’uulkii ugu sarreeyay ee Iran ka socda ee gala Mareykanka tan iyo markii uu billowday dagaalka Bariga Dhexe gaar ahaan markii Mareykanka iyo Isr***l ay weerarro ku qaadeen Iran bishii Febraayo ee sanadkaan.
“Tallaabo cadawtinimo oo aan horay loo arag ayay qaadday dowladda Mareykanka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday inuu fiisooyin siiyo xubno ka tirsan wafdiga heerka sare ah ee madaxweynaha, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan kooxdiisa isgaarsiinta,” sidaas waxaa werisay wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA.
Wakaaladda wararka ee Mehr ayaa iyaduna baahisay warkaas, iyadoo soo xiganaysa afhayeen u hadlay xafiiska madaxweynaha Iran, waxayna intaas ku dartay in Pezeshkian uu khudbad ka jeedin doono Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay maalinta Arbacada ee inagu soo aadan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi, oo qayb ka ah wafdiga u socda Qaramada Midoobay, ayaa fiidnimadii Axadda ka dhoofay Iran isagoo sii maraya dalka Qatar.
Iran waxay sheegtay inay Mareykanka iyadoo adeegsanaysa Qatar oo ah dhexdhexaadiye u gudbisay shuruudaha lagu furi karo marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz oo loo isticmaalo maraakiibta qaada shidaalka iyo gaaska, kaas oo ay xirtay tan iyo markii uu dagaalku billowday.
Dhanka kale, Mareykanka oo ka xanaaqsan xidhitaanka Hormuz ayaa isna xayiraad ka dhan ah Iran ku soo rogaya dekedaha dalkaas.


COMMENTS